Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo sheegay in ay TPLF ka adkaadeen

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dagaalka ay uga adkaadeen fallaagada TPLF balse ay jirin wadahadallo rasmi ah oo ay TPLF la billaabeen.

Abiy wuxuu sheegay iney ciidamadiisu had iyo jeer ay diyaar u yihiin daandaansi kasta oo dhanka TPLF ka yimaadda iney si buuxda uga hortagaan balse go’aanki dowladda ee ahaa iney gobolka Tigreeda gudaha u gelin uu weli waxba iska baddalin.

“Ilaa iyo hadda wax wadahadal ah oo lala galay TPLF ma jiraan. Laakiin wadahadal ma gelin ama gabi ahaanba wadahadal ma jirayo kama dhigno” ayuu yiri Abiy Axmed.

Hoggaamiyaha fallaagada TPLF Drbretsion Gabre-Michael wuxuu sheegay wadahadallo lala galo xukumadda Abiy Axmed nay horay shuruudo ugu xireen, ilaa shruudahaasi ay dowladda dhexe ka soo baxdana ay wax heshiis ah ay galeyn.

Debretsion wuxuu dowladda dhexe ee Itoobiya uu ku eedeeyey iney diyaar garow wadaan, dagaalka waxa ay u joojiyeenna ay ka ahayn in colaadda xal waara loo helo balse ay uga gol leeyihiin iney helaan fursad ay dagaal kale ugu diyaar garoobaan.

Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka socda in ka badan 15 bilood oo geystay qasaaro naf iyo maalba leh sidi loo joojin lahaa waxaa socday dadaallo ay dhinacyo kala duduwan wadeen waloow ay dadaalladaasi mira dhal noqon.

Midowga Afrika, Mareykanka iyo Kenya oo dadaal u galay sidi dagaalka Tigraay loo soo afjari lahaa gargaar bani aadanimana gobolkaasi loo gaarsiin lahaa haddana natiijo la taaban karo kama soo bixin.

Shaqsiyaadka dadaalka ugu badan geliyey sidi ay labada dhinac uga kala dab qaadi lahaayeen waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Afrika Olisegon Obasanjo iyo Ergeyga gaarka ee dowladda Mareykanka Jeffry Feltman. Iyaga oo safarro ay colaaddaasi xal ugu raadinayaan ku tagay magaalooyinka Addis Ababa, Maqale iyo Nairobi.