Hot Topics

Waa Meeqa Ciidanka Ruushka Ee weerarka ku qaaday Ukrain ?

Waxaa la qiyaasayaa in ciidammada Ruushka ee gudaha iyo daafaha Ukraine jooga ay u dhaw yihiin 90 kun.

Jimcihii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu halkaas geeyay 169,000 illaa 190,000 oo askari.

Michael Carpenter, safiirka Mareykanka u fadhiya Hay’adda Yurub u qaabilsan Ammaanka iyo Iskaashiga, ayaa sheegay: “Tiradan waxaa ku jira ciidammada jooga xadadka Ukraine iyo Belarus, iyo gobolka la haysto ee Crimea. Waxaa intaasi dheer, in tiradaas ay ku jiraan ciidammada ammaanka ee Ruushka ee aagagaas ku sugan.”

Ciidammada ilaalada iyo kooxaha kale ee ammaanka maxalliga ah ayaa sidoo kale ku jira, iyo weliba ciidammada uu hogaamiyo Ruushka eek u sugan bariga Ukraine.

Isla waqtigaas, wasiirka gaashaandhigga ee Britain, Ben Wallace, ayaa sheegay in 60% ee milateriga Ruushka ay joogaan meel u dhaw xadka waddanka Ruushka iyo Belarus.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga ee waddanka Ukraine ayaa sheegay in ciidammadu ay gaarayaan 149,000.