Hot Topics

Saamaynta Turkiga Ee Dagaalka Ruushka iyo Ukrain?

Xiisadda ka dhex aloosan Ukraine iyo Turkiga ayaa saameyn toos ah ku yeelan karta Turkiga oo xiriir wanaagsan la leh labada waddan. Dalalka Galbeedka ayaa intooda badan shaaciyay cunaqateyn ka dhan ah Moscow, kadib markii uu Ruushka aqoonsaday madax bannaanida laba gobol oo ka tirsan Ukraine.

Turkiga oo xiriir ganacsi iyo difaac ba la leh Ruushka ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo, oo wadahadal lagu dhameeyo tabashada labada dhinac.

Hase yeeshee xukuumadda Ankara ayaa tibaaxday in haddii xaaladdu ay isu rogto dagaal toos ah oo u dhexeeya Ruushka iyo NATO – oo uu Turkiga ka tirsan yahay – in ay difaaci doonto danaha gaashaan buurtaas ay kamidka tahay.

Turkiga ayaa marar badan sheegay in xiisadda Ukraine xalkeedu yahay wadaxaajood dhab ah, ayna diyaar u tahay dhex-dhexaadinta labada dhinac. Hase yeeshee, dedaalka Turkiga waxaa caqabad ku noqday tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday Ruushka.

Markii uu Ruushka aqoonsaday labada gobol ee Donetsk iyo Luhansk, jawaabta wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa lamid ahayd tan reer Galbeedka.

“Waa xadgudub cad oo lagu sameeyay madax bannaanida iyo midnimada Ukraine. Waxaan u aragnaa go’aanka Ruushka mid aan la aqbali karin, waana qaadacnay,” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo Talaadadii ka soo laabtay safar uu ku tegay dalal Afrikaan ah, ayaa su’aal ay weriyayaasha ka weydiiyeen xiisadda Ukraine uga jawaabay: “Ma aha in aan kala doorano Ruushka iyo Ukraine. Dalkan ayaan maamulnaa, waana in aan difaacno danihiisa.”

Danahaas ayaa loo fasiray in Turkiga aanu dooneyn inuu xumeeyo xiriirka dhaw ee uu la leeyahay Ruushka, gaar ahaan xilli dhaqaalaha dalkiisa uu wajahayo caqabado badan, lacagta Lira na uu ku yimid hoos u dhac weyn.

Markii uu Ruushka qabsaday Crimea sanadkii 2014, Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn kala duwan saaray dalkaas. Balse Turkiga kama uusan qeyb qaadan oo waa uu diiday inuu cunaqabateyn saaro xukuumadda Moscow. Maanta, xiriirka Turkiga iyo Ruushka waa uu ka ballaaran yahay sanadihii hore.

Turkiga ayaa ku doodaya in cunaqabateyntii Ruushka la saaray 2014 aysan wax badan u dhimin, sidaa si lamid ahna aysan mid cusub saameyn xooggan yeelan doonin. Taa bedalkeeda, Ankara ayaa door bidaysa in Ukraine laga taageero xagga difaaca, oo ciidamada loo qalabeeyo.

Ankara ayaa Ukraine la leh xiriir milateri oo waxa ay ka iibisaa diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Drones-ka, kuwaas oo guulo la taaban karo ka soo hoyay dalal dhowr ah oo ay colaad ka socoto, sida Suuriya iyo Liibiya. Ruushka iyo Turkiga ayaa la kala safan dhinacyada ku dagaallamaya dalalkaas.

Turkiga ayaa xiriir ganacsi oo muhiim ah la leh Ruushka. Tusaale ahaan, 33.6% gaaska dabiiciga ah ee uu Turkiga isticmaalay sanadkii 2020 ayaa laga keenay Ruushka. Yurub ayaa sidoo kale ku tiirsan gaaska Ruushka.

Turkiga ayaa daqiiqa ugu badan ka soo waarida Ruushka, waxaana sanadkii la soo dhaafay uu ka soo iibsaday 6.7 tan oo ku kacay lacag dhan 1.8 bilyan dollar. Khubarada dhaqaalaha ayaa tilmaamay in Turkiga uu in ka badan 10% waxyaabaha kala duwan ka soo iibsado Ruushka.

Sidoo kale, dalxiisayaal badan oo Ruush ah ayaa fasaxyadooda ku qaata Turkiga, waxaana ay dalka soo galiyaan lacag adag oo ay aad ugu baahan tahay xukuumadda Ankara.