Hot Topics

Ruushka oo danaynaya Xabad joojin dhexmarta Ukrain

Wafti ka socda Ukraine, ayaa gaarey xuduudda dalka Belarus, si ay wada hadal ula yeesheen wakiilada Ruushka Isniinta.

Wada hadalada, ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo gaari lahaa xabad joojin degdeg ah, iyo ka bixitaanka ciidamada Ruushka.

Warkan ayaa lagu sheegay qoraal kasoo baxey madaxtooyada Ukraine. Waxaan kasoo xiganey Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Wafdiga ayaa sida lagu xusay qoraalka waxaa kamid ah wasiirka gaashaandhiga, Oleksii Reznikov, iyo la taliyaha Madaxweynaha Mykhailo Podolyak.