Hot Topics

Kursiga Kismaayo Ee Abokor Ciise iyo culayska Xasan Shire ka haysta !!

Kursiga Kismaayo iyo culayska Xasan Shire haysta !!

Xasan Shire,waxuu Deni ka codsaday,isagoo Bosaso jooga in uu la hadlo Axmed Madoobe si uu ufasaxo Ninka wata Saxiixa Suldaanka ee Kursiga Beesha Abokor Ciise.

Codsiga Xasan,waa diiday Deni oo waxuu ku yiri anigu hawshaas geli mahayo,taasoo keentay in uu caro uga soo tago Bosaso kuna yimaado Garowe.

Kursiga Beesha Abokor Ciise Maxamuud,waxaa Axmed Madoobe uga badashay Kursi Wiil uu Abti uyahay oo Beesha Ajuuraan udhashay Maxamuud Shido.

Sida aan xogta ku helay Maxamuud Shido iyo Suldaan Garaase waa is og yihiin,waxaase laga hoos guuray Xasan Shire.

Beesha Abokor Ciise oo aad uga caraysan bahdilka Maxamuud Shido,ayaa hada culays ku haysa Xasan.

Xasan,waxaa lagu tilmaamaa Cagaf uu ku shaqaysto Maxamuud Shido,waxaana la aaminsan yahay aadistiisa Kismaayo in aysan waxba ka badali karin xarig xirka Maxamuud Shido.

Jibril Qoobey.