Hot Topics

Video:-Cirro oo si adag uga hor yimid hadalkii Muuse Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay munaasabad uu ciidanka Somaliland kala qeybgalayay,ayaa sheegay in doorashada lagu kala reebayo ururada xisbiyada siyaasadda ay ka soo hormari doonto tan madaxtinnimada.

“Sanadkan waxaa inagu soo beegan saddex doorasho,waxaa ugu horreysa tii xisbiyada. Waa in xisbiyada hadda jiraa ay tartamaaan. 13-ka November waa inay dhacdaa doorashada madaxtinnimada. Waxaa xigi doonto tan guurtida oo waxa ay noqon doontaa in la soo xulo oo aan doorasho badan gelin,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Waxaa hadalkaa ka falceliyay musharraxa xilka madaxweynaha ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sheegay in doorashada madaxtooyada ay soo horreyn doonto, iska markaana ay ka qeybgali doonaan saddexda Xisbi ee hadda jirta.

Halkan ka daawo muuqaalka