Hot Topics

Dagaalkii Ukrain iyo Ruushka oo galay maalinkii 13-aad

Maalinti 13-aad,ayuu maanta galay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka deriska la ah ee Ukraine, iyadoo wararki ugu danbeeyay ee aan ka helnay Ukraine ay sheegayaan in ciidanka Ruushka ay xalay sii wadeen duqeymaha ay ku hayaan magaalooyinka waaweyn.

Isniintii shalay, Ruushka ayaa u soo jeediyay dowladda Ukraine, qorshe abuuraya dariiq nabadeed oo ay dadka go’doonsan looga saaro meelaha ay duqeynu ku socoto, hase yeeshee dariiqaas nabadeed ayay Moscow sheegtay inuu yahay mid ku dhamaanaya Ruushka ama Belarus.

Dhanka kale, qaxooti gaaraya ku dhawaad 2-milyan oo ruux ayaa gaaray dalalka jaarka la ah Ukraine.