Hot Topics

Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Deni oo la abaabulayo

17-Xildhibaan oo ka mid Baarlamaanka Puntland,ayaa diyaariyay Warqad looga dalbanayo Gudoomiyaha Baarlamaanka in uu furo Kalfadhi aan caadi ahayn.

Ujeedka Xildhibaanada,ayaa ah in ay soo gudbiyaan Mooshin ay isna saxiixeen 25-Xildhibaan oo lagu dalban doono in Madaxweyne Deni iscasilo ka hor inta uusan ku dhawaaqin musharaxnimadiisa Xamar.

Qorshaha Xildhibaanada,waxaa ka danbeeya sida aan xogta ku helay Siyaasiyiin iyo Ururo reer Puntland ah.

Madaxweyne Deni,ayaa fududaystay arinkaas markii hore.

Jibril Qoobey.