Hot Topics

Yaa buuxin kara kaalinta Shidaalka Ee Ruushka?

Ruushka ayaa ah dalka saddexaad ee shidaalka ugu badan soo saara. Waa ka horreeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Kala bar shanta milyan ee barmiil ee uu maalintii soo saaro Ruushka ayaa waxaa loo dhoofiyaa Yurub. UK ayaa 8% shidaalkeeda ka soo iibsata Ruushka. Maraykanka ayaa isna 3% shidaalka ka iibsada Ruushka.

Ben McWilliams oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasadaha tamarta ayaa sheegay in la heli karo dalal buuxiya kaalinta shidaal ee Ruushka, balse ay adag tahay in la buuxiyo kaalintiisa gaaska.

Maraykanka ayaa ka codsaday Sacuudi Carabiya inay kordhiso shidaalka ay soo saarto, balse xukuumadda Riyadh ayaan marar hore ka diiday codsi noocaas ah.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka fekeraya inuu khafiifiyo xayiraadda uu saaray shidaalka Venezuela, oo hadda intiisa badan loo dhoofiyo Shiinaha.

Haddii uu Ruushka gaaska ka jaro Galbeedka Yurub, waxaa aad sare ugu kici doona qiimihiisa. Gaaska Ruushka ayaa u dhigma 40% gaaska dabiiciga ah ee laga isticmaalo Yurub.

Haddii uu Ruushka joojiyo gaaskiisa, saameynta ugu badan waxa ay ku yeelan doontaa dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga.

Yurub ayaa u weecan karta dalalka gaaska soo saara sida Qatar, Aljeeriya ama Nigeria, balse waxa ay caqabad ka taagan tahay sida durba loo ballaarin karo soo saaridda gaas dheeraad ah.

UK ayaa 5% ku tiirsan gaaska Ruushka, halka Maraykanku uusan wax gaaska ah ka iibsan Moscow.

Hase yeeshee gaas yarida caalamka ayaa sare u qaaday sicirka waddamada Maraykanka iyo UK.

Midowga Yurub ayaa soo jeediyay qorshe uu qaaraddiisa uga dhigayo mid ka madax bannaan tamarta Ruushka ka hor sanadka 2030. Waxa qorshaha ka mid ah in aan lagu tiirsanaan gaaska iyo shidaalka oo keliya, balse la raadiyo hab kale oo lagu heli karo tamarta.