Hot Topics

Putin oo Ujawaabey Biden-ka Maraykanka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin,ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhiggiisa Mareykanka Joe Biden uu ka sheegay wareysi lala yeeshay, kaas oo ahaa inuu Putin u arko “Dilaa”.

“Waa inuu qofku barto kan kale,” Mr Putin ayaa ka yiri telefishin Ruushka laga leeyahay, wuxuuna Mr Biden ugu baaqay inuu si toos ah ula hadlo.

Mr Putin ayaa diiday eedeymaha ah in waaxihiisa ammaanka ay isku dayeen inay dilaan siyaasiga mucaaradka ah ee Alexei Navalny.

Ruushka ayaa u yeeray safiirkiisa si uu ugala hadlo in laga hortago in xiriirka uu sii xumaado. Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Anatoly Antonov lagu wargeliyay inuu ka soo tago Washington uuna yimaado Moscow.