Hot Topics

Maraykanka oo qaadaya talaabooyin Aargudasho oo ka dhan ah Ruushka

Madaxweynaha Mareykanka,ayaa telefishinka ABC News u sheegay in Mr Putin uu “Uaayi doono” faragelinta la sheegay in uu ku sameeyay doorashadii Mareykanka ee 2020.

Mr Biden,ayaa ka hadlayay warbixinta sirdoonka Mareykanka oo lagu sheegay in Mr Putin uu amray olole faragelin ah, doorashadii madaxtinnimada Mareykanka bishii Novermber ee sanadkii hore.

Warbixinta,ayaa Ruushka ku eedeyneysa in uu isku dayay faragelinta doorashada isaga oo u xaglinaya Madaxaweynihii hore ee Jamhuuriga Donald Trump, oo uu ka adkaaday Mr Biden, oo Dimuqraaddiga ka tirsan.

Mareykanka,ayaa la filayaa in uu cunaqabateynno ku soo rogo Ruushka wixii loo gaaro toddobaadka soo socda, sababo la xiriira warbixintan.