Hot Topics

Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ka horyimid jadwalka guddiga doorashada

Maamul goboleedyada Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa ka horyimid go’aan shalay kasoo baxay guddiga doorashada heer Federaad, kaas oo lagu faah-faahiyay dhammeystirka xildhibaannada Baarlamaanka ee labada Aqal, waxayna sheegeen in Madasha Wadatashiga Qaran ay leedahay go’aanka dhammeystirka.

“Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug.

“Dowladda Galmudug waxay caddeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka. Galmudug waxay ka digeysaa waxkasta oo caqabad ku noqon kara dhammeystirka hanaanka doorashooyinka” ayuu raaciyay bayaanka Galmudug.