Hot Topics

Halkee lagu qabanayaa Doorashada 16-ka Kursi Ee Garbahaarey ?

Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland,ayaa shaaciyey in muddo labo toddobaad gudahood ay ku qabanayaan doorashada 16-ka kursi ee u danbeysa kuraasta Jubbaland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo u astaysnaa in lagu qabto magaalada Garbahaarey, balse warqadda guddiga meelna loogama xusin goobta lagu qaban doono kuraastan.

Kuraastaan,ayaa muddaba waxaa ka taagnaa muran u dhexeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo, waxaana hadda soo baxaya khilaaf hor leh oo ka taagan halka lagu qabanayo doorashada kuraastan.

Waxaa jira warar aad la’isula dhexmarayo oo sheegaya in Jubbaland ay qorsheynayso in doorashada kuraastan ku qabato meel aanan Garbaaharay ahayn,iyadoo la hadal hsyo Magaalada Ceel-waaq.

Guddiga doorashooyinka heer federaal,ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan khilaafkan ku aaddan goobta lagu qabanyo kuraasta Gedo.