Madaxweyne Dowlada Puntland oo ka tacsiyeey Geerida Aamino

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Garoowe: 23 March 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo qarax lagula beegtay magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaasi iyo cidii ka danbeysay, wuxuuna ummada Soomaaliyeed iyo Golaha Shacabka JFS uga tacsiyeeyay geerida Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd Baarlamaankii 10-aad , hadana u tartamaysay si ay usoo laabato.

“Alle ha’unaxariisto Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Beledwayne, waxay ka mid aheyd Xildhibaanadii Baarlamaanka 10-aad sida weyn uga dhex muuqday hadana Olole ugu jirtay inay tartanto.

Waxaan cambaareynayaa falkaasi lagu dilay Xildhibaanada iyo cidii ka danbeysay, waxaan Tacsi u diraya dhammaan ummada Soomaaliyeed, Golaha Shacabka JFS, eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyootay.

Marxuumada Alle janadii ha geeyo, ehelkeedana Samir iyo iimaan alle ha kasiiyo.

Aamiin,”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeynaya dhammaan dadkii kale ee waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaasi.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.