Hot Topics

Isinkii Afraad oo ay yeelato Beesha Ciise Maxamuud oo Garowe lagu shaaciyay

Si rasmi ah,ayaa loo shaaciyay Beeldaajaha Guud ee Beesha Ciise Maxamuud oo ay iska soo dhex xushay Beesha Idiris Ugaar.

Nabadoonka Beesha Xasan Idiris Maxamud Axmed Xaaji,ayaa soo jeediyay hadalka lagu shaaciyay Beeldaajaha.

Guud ahaan Isimada Beelweynta Ciise Maxamuud maanta laga bilaabo waa Afar kala ah…

1.Garaad Siciid.
2.Beeldaaje Maxamuud.
3.Islaan Ciise.
4.Suldaan Siciid.

Si kale hadii loo dhigo,waa Labo Abokor Ciise ah iyo Labo Muuse Ciise ah oo kala ah..

Muuse Ciise”

1.Garaad Siciid
2.Islaan Ciise.

Abokor Ciise”

1.Beeldaaje Maxamuud.
2.Suldaan Siciid.

Jifida Maxamed Ciise oo ah Jifida Sadexaad ee Beelweynta Ciise Maxamuud,ayaa iyana soo wada Isinkoodii maalmaha nagu soo aadan.

Ciise Maxamuud baahi Isin ayay qabeen,badnaanshahooduna waxba ma yeelayo.