Hot Topics

Maxaa sababay jabka Ruushka Ee weerarka Ukrain?

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ay marin-habaabiyeen la taliyeyaashiisa oo aad uga baqaya inay u sheegaan saameynta ba’an ee dagaalka Ukraine.

Waxay sidoo kale ay sirdoonka reer galbeedka sheegeen in madaxweyne Putin aan loo sheegin saameynta dhabta ah ee cunaqabateynada ku yeelan karaan dhaqaalaha Ruushka, sida uu aqalka cad sheegay.

Aqalka Kremlin ayaan weli ka jawaabin warkan ka soo baxay sirdoonka dalalka reer galbeedka.

Afhayeenka Aqalka Cad Kate Bedingfield ayaa sheegtay in Mareykanka uu hayay war ah in Putin uu dareemay inay marin-habaabiyeen militariga taasna ay ka dhalatay xiisad joogto ah oo u dhaxaysa Putin iyo hoggaanka militariga.

waxay sheegtay in dagaalka Putin uu Ruushka ka dhigi doono mid daciif ah islamarkaana uu noqon doono mid go’doon ku jira.

Afhayeen u hadlay waaxda gaashaanshigga Mareykanka John Kirby ayaa isagana ku baaqay in war la’aanta Putin ay sameyn ku yeelan karto dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

Ciidamada Ukraine ayaa bilaabay isku dayo ay Ruushka dib ugala wareegayaan qeybo ka mid ah meelaha uu horey qabsaday.

Jeremy Fleming, oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Britain ee dhanka internet-ka ayaa sheegay in Ruushka uu si khaldan u qiimeeyay xaaladda uuna ku qasbanaaday inuu dib u fakaro.

Ciidamada Ruushka ayaa si lama filaan ah u soo riday diyaarad ay iyagu leeyihiin, mararka qaarna waa ay diidi jireen in ay u hoggaansamaan awaamiirta, sida ay sheegtay laanta internetka u qaabilsan hay’adda sirdoonka ee Britain.