Hot Topics

Gudiga Doorashada oo si habsami leh uwada Shahaado bixinta

Guddiga doorashooyinka Heer federaal,ayaa maalintii 2-aad wada bixinta shahaadada xildhibaanimo si habsami leh.

Maanta,waxaa qaatay Xildhibaano laga soo doortay maamulka KGS oo kalsoonidii kala laabtay Gudiga Doorashooyinka heer Fadaraal.

Waa talaabo dhabarjab ku ah Laftagareen oo laga reebay 3-ka mid ah Xildhibaanada KG kasoo baxay kuwaasoo loo tiriyo in ay isaga la jaal yihiin.

Sidoo kale waa waji gabax iyo fariin ku socota Fahad oo ku xisaabtamayay in reer KG aysan cidlo uga tagayn.

Xildhibaanada Maanta Shahaadada qaatay,waxaa ku jira Siyaasiga culus ee Sh.Aadan Madoobe oo usharaxan Gudoomiyaha Baarlamaanka laguna xamanayo in ay Sh.Shariif gacansaar leeyihiin.

Dadka falanqeeya siyaasada waxay sheegayaan waxa dhacayaa in ay bilow uyihiin ifafaalo muujinaya jab siyaasi oo ku dhacay Fahad iyo Musharaxiinta uu riixayo.

Jibril Qoobey.