Hot Topics

Faallo:-Xaalada cakiran Ee Itoobiya Abiy maka gudbin karaa?

Dhaqaalle xumada dalka iyo sicir bararka”

Xukuumada Abiye Ahmed shirwaynihii Barwaaqo wixii ugu waynaa ee ay ballan qaaday wuxuu ahaa in wax laga qabto sicir bararka iyo in jaho cusub la qaado oo la isla xisaabtamo.

Ethiopia’s Prime minister Abiy Ahmed speaks during a press conference at his office in Addis Ababa, on August 25, 2018. (Photo by Michael Tewelde / AFP)

Dhaqaallihii dalka Itoobiya wuxuu hadda u muuqda mid ay saameyen caddaadiskii ree galbeedka ee soo jiitamayay,dagaalkii waqooyiga dalka iyo caqabadaha kale dunida ka alloosan.

Noloshii Bulshadu way adkaatay.Sicir barar ayaa dalka saameyay.Shidaalkii iyo maciishadii Dowladdu kabaysay ayaa cirka isku sharreeray.Wax soosarka liidata ee dalku wuxuu keenay in lacagtii dalku qiimo jabto,taas oo sababtay inaan waxbadan dunida lagasoo iibsan.

Shirkadihii shidaalka Jabuti ka keenayay ayaa sheegay inay khasaaren oo aysan shaqayn karin.Abiye Ahmed,ayaa maalmo kahor casuumay madaxwaynaha Jabuti,Ismacil Cumer geelo isagoo ka codsanayay in lacagaha kirada ee dekaddaha laga dhimo.Lacagta qalaad ayaa la waayay.(Isha xogtan Africa intellegnce)

Beerralaydii Itoobiya ayaa shalay sheegtay inay waayen Bacrimiyihii(Madadabariya),waana arrin halis galin karta qamandiga kaliye ee ay Itoobiya beerrato,kuna tiirsan tahay nolasheedu.

Waxaa is barkan shaqo la’aan baahsan,maciishadii iyo kiradii guryaha oo kordhay.Maalmo kahor shaqaalle Dowladeed oo hadlayay ayaa sheegay inay nolashii ku adkaaday oo uusan mushaharkiisu kirada bixin karin,wuxuuna ka digay kacdoon maamulku wajaho.”Haddii nolashanadu siddaan usii adkaado,oggaada maamulow nabad ku seexan maysaane”; ayuu yidhi shaqaallahan gadoodsan.

Maraykan wuxuu ansixiyay shuruuc cusub oo Itoobiya dhaqaallaheeda curyaaminaysa.(sigaar ah Dhanka bangiyada,daymaha, dhoofka dibada iyo iibka hubka).Waxaa socda baadhitan gabood fallada dagaalkii waqooyi lagu baadhayo.(Dambiyo dagaaal)

epa000454054 Ethiopian special forces soldiers patrol the streets of Addis Ababa, Friday 10 June 2005. Most shops were shuttered and taxis were again on strike for the third day in a row while families collected the dead for burial following riots over election results and government warnings that any more civil unrest would be dealt with sternly. EPA/STEPHEN MORRISON

Khilaafka Deegaanada iyo caqabadaha gudaha dalka”

Labadii cishee lasoo dhaafay maamulada Axmarada iyo Oromada ayaa hanjabaado hawada isku marinayay.Xiisadan oo ciidankii la dilay kasoo bilaabatay ayaa u muuqata in laba Dowladood is hayaan,halka maamulkii dhexe daawanayo.

Maamulada Oromiya iyo Sidama ayay dagaallo ka dhex qarxeen.Benishangul oo bahalo galeen noqotay ayaa taliye gobal lagu afduubay,Jabhadiina wada haddal ayaa lala galay si looga sii daayo.Deeganada Canfarta iyo Axmaarada ayaa caqabad ku noqday in dib loo bilaabo gargaarkii Tigreega.Mucaradkii dalka ayaa ka dayriyay komishinkii laga rajo sugayay ee dib u heshiisinta.Deegankii Oromada ayay jabhada OLA isku balaadhisay.Tigreegina wali waa duddayaa.Dowladdana way isku hub uruursanayan.

Caddaadiska dalalka deriska iyo diblomasiyada”

Masar iyo ree galbeedka ayaa Itoobiya caddaadinaya.Todobadkii tagay hoggaaminta ciiddamada ee Masar iyo Itoobiya ayaa Kenya isku daba maray oo booqday.Booqashadan waxaa xigay dagaal maalhan dhanka xuduudka Mooyale ka curtay.(Jabada OLA).

Itoobiya waxay heshiis la gashay oo ay booqatay Koonfur Sudan,halka Masar aya Sudan u yeedhatay.(Loollanka biyaha)

Eritea ayaa u muuqata mid wax diiddan oo geedo ku xoqonaysa.Safiirka Itoobiya u joogay ayay Eritrea hoos u dhigtay,kuna soo koobtay hawl wadeen.Ciiddamo tiro baddan ayay xuduudka soo dhoobtay.

GABO-GABO
Dhamaan caqabadahaas waa kuwo xal ka sugaya xukuumada Abiye Ahmed ee aan gudaheedu wali midaynin.

Qodobka ugu addag ee kacdoon bulsho sababi kara ayaa ah waxka baddalka dhaqaalle xumada dalka soo foodsaartay,nolosha addag iyo sicir bararka bulshada saameyay.


Xigasho:-VOSS TV