Hot Topics

Dowlada Itoobiya oo sare uqaadaysa sicirka Shidaalka

Dalka Itoobiya ayaa sheegay inay waddaan qorshe sicirka shidaalka kor loogu qaadayo.Itoobiya waxay sheegtay in hadda Dowladdu shidaalka kusoo dajiso lacag ka badan saddex bilyan oo Dollar(3-Bilyan).Qorshahan wasaaradda ganacsigu shaacisay ayaa lagu xusay in Dowladdu kala badh lacagta shidaalka kabto,si dadku shidaal jaban u helaan.

Itoobiya waxay sheegtay inay dalalka dariska ka shidaal jaban tahay.Naaftada oo Jabuti ka taagan 100-Birr,ayaa Itoobiya laga siiyaa 30-Birr.
“Arrintaas waxay keentay in shidaalkii aan Dollarka kusoo iibinay dib loogu dhoofiyo Jabuti ama Somaliland,oo uu qaali ka yahay”;ayaa warbixinta lagu yidhi.

Itoobiya waxay qorshaynaysaa in qiimaha shidaalka la gaadhsiiyo caddadka dalalka darisku ku iibiyaan.Waxayna ka dhigan tahay in saddex jibaar qiimaha shidaalku kordhi karo.

Tallaabadan ayay khuburada qaar u arkaan mid sii adkayn doonta sicir bararka iyo noloshada adagee bulshada.


VOSS TV.