Hot Topics

Maxaan ka ognahay culaysyada Amni Ee ra’iisul wasaaraha Somaliya haysta?

Maxamed Xusseyn Rooble waxaa dagaal naf dilid ah kuwada labo koox labadaasi koox waxay kala yihiin sida tan..

1.Koox joogta Gudaha madaxtooyada Villa Somaliya oo leh ciidamo ciidamadaasi waa isla kuwa Dowladda federaalka Somaliya mar kasta ayey ciidamadaasi soo galaan kana baxaan madaxtooyada Villa Somaliya waxayna madaxtooyada Villa Somaliya kasoo galaan dhan kasta Albaab kasta.

2.Kooxda Labaad waa Ururka Alshabaab waxay leeyihiin Adeegayaal isla Ciidamada Dowladda federaalka dhexdooda ah Gudiga shuurada ururka Alshabaab ilaalada layiraahdo Xisbada iyo Amniyaadka Ururka Alshabaab oo shaqada fuliya dhamaantood guul ayey u tahay isku dhaca Farmaajo iyo Rooble sababtoo ah wada shaqeyn xoog badan iyo fursado howlgalada lagu fuliyo ayey helaayaan.

Kaalinta Dowladda Qatar ee Amniga Somaliya”

Dowlada Qatar way iska rabtaa inuu Farmaajo u joogo dalka Somaliya haddii joogista Farmaajo culeys ku yimaado dhanka Ururka Alshabaab,ayaa culeys kale laga soo Abuuraayaa si doorashada Somaliya loo gaarsiiyo mid tabcaan ah.

Culeyska heysta beesha caalamka”

Dowladda Mareykanka iyo Dowlada Ingiriiska way og yihiin tilaabo kasta oo laqaadi rabo laakiin waxaa culeyska soo fuulayaa Dowladaha kale ee midowga yurub Howlgalka midowga Afrika ee Amisom iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya.

WQ/Cabdisataar Xassan Cali