Hot Topics

GobolkaTigreega oo lagu baaqay in Ciidan Nabad ilaalin ah la geeyo

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ku baaqay in Tigraay laga howlgeliyo ciidamo nabad ilaalin oo caalamka ka socda Midowga Afrikana uu hoggaamiyo.

Labadan urur ee caalamiga ah oo u dooda xuquuqal insaanka ayaa codsigaasi soo jeediyey xilli ay soo bandhigayeen warbixin ku saabsan dambiyada ay sheegeen iney ka dhaceen galbeedka Tigraay.

Waxayna ururrada xuquuqda aadanah u dooda sheegeen natiijada ka soo baxday baaritaan ay muddo 15 bilood wadeen, ay lagama maarmaan ka dhigeyso ciidamo nabad ilaalin in halkaa laga howl geliyo.

Warbixintooda waxay ku sheegeen xadgudubyada ay sheegeen iney ka dhaceen galbeedka Tigraay inta uu socday dagalka waqooyiga Itoobiya ka socday.

Waxayna ku baaqeen heshiis kasta oo dhexmara dhinacyada ku dagaallamay waqooyiga dalka Itoobiya in lagu soo daro ciidamada nabad ilaalin oo ka socda midowga Afrika oo labada dhinac ay raalli ka yihiin in si degdeg ah loo howl geliyo.

Waxayna uruurrada sheegeen ciidama naba ilaalin oo la howl geliyo iney suuragalineyso ilaalinta xuquuqda aadanaha, gargaar bani aadanimo in deegaankaasi la gaarsiiyo iyo dadka ay dhibaatada ku habsatay ee deegaanka Tigraay in la gaaro.

Waxayna intaa ku dareen inta uu dagaalka socday dhibaatada halkaasi ka dhacday iney tahay mid qoto dheer xal waara inta looga helayana loo baahan yahay ciidama nabad ilaalin oo dadka rayadka ah ee labada dhinac ku nool ilaaliya in la howlgeliyo.

Talo bixinta ugu weyn ee aan soo jeedinnay ayaa waxay tahay ciidamo nabad ilaalin calami ah oo midowga Afrika uu hoggaamiyo in galbeedka Tigraay laga howlgeliyo, sababta codsigaasi keentayna waxay tahay galbeedka Tigraay labada dhinac in mudda ah ayey ku muransanaayeen xal waara maadaamaa aan laga gaarinna sheegashadi waxaa ka dhashay dagaal dhiig badan uu ku daatay oo sababay iney dhacaan xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah.”

Marka arrinta galbeedka Tigraay xallinteeda maadaamaa ay adag tahay inta xal laga gaarayo si dadka rayadka ee labada dhinac ku nool loo badbaadiyo waxaa loo baahan yahay in la howlgeliyo ciidamo nabad ilaalin calami ah ama gobolka ka socda,” ayuu yiti Fiseaha Tekle oo ah cilmi baare arrimaha xuquuda aadanaha ee Amnesty International u qabilsan briga Afrika.

Warbixinta labada urur ay soo jeediyeen waxaa lagu sheegay 60 qof oo rag ah oo qowmiyadda Tigreega ka soo jeeda iney ciidamada gaarka ee degaanka Amxaarada ay dileen meydkodana ay ka tureen wabiga Takaze.

Amnetsy International iyo Human Rights Watch waxay carrabka ku dhufteen galbeedka Tigraay iney ka dhaceen dambiyo ka dhan xuquuqda aadanaha oo isugu jira isir sifeyn, dil, kufsi, xadgudub galmo iyo boob hantiyeed.

Warbixinta waxaa kale oo lagu sheegay maleeshiyaadka Tigreeega dad rayad ah oo qowmiyadda Amxaarada ka soo jeedo iney ku dileen magaalada Maykhadra.

Labada hay’adood waxay dowladda Itoobiya ugu baaqeen iney baab’iso qaab dhismeedka ciidamada dowladda, kuwa gaarka ee deegaanka Amxaarada iyo maleeshiyaadka ay sheegeen iney weerarrada ka fuliya galbeedka Tigraay.

Dagaalka Waqooyiga Itooboiya ka dhacay ee u dhaxeeya ciidamada dowlada dhexe oo kaashanaya kuwa dowlad degaannada iyo fallaagada TTPLF oo socda ku dhawaad 17 bilood waxaa la rumeysan yahay iney kumannna qof ku naf waayeen malaayiinna ay ku barakaceen.