T.Booliska Bari oo Maxbuus Madax furasho ku xiray sii dayntiisa

Talyaha Booliska Gobolka Bari,waxaa si gaar ah ugu xiran Wiil dhalinyaro ah oo Meherad kulahaa Suuqa Bosaso.

Wiilka,ayaa lagu magacaabaa Mahad Cabdi-kariin Yuusuf oo Beeshiisu ay tahay Cumar -Maxamuud Bah-habaskuul.

Wiilkaas mudo,ayuu ku xirnaa Saldhiga Bartamaha hadana,waxaa loo wareejiyay Saldhiga cusub ee Bosaso.

Danbi baarista Puntland,ayaa wax danbiya ku wayday 35-Qof oo uu ku jiro Mahad,balse waxaa si gaar ah ureebtay Talyaha Qaybta.

Markale ayay Danbi baaristu qortay Warqad ay ku cadaynayso in uusan Mahad danbi lahayn,waxaase diiday Talyaha Qaybta.

Intaas kadib si danbi loogu sameeyo Mahad,waxuu Talye Dirir udhiibay Mobile Talyihii Saldhiga Qaasaali,kaasoo si been abuur ah ugu shirqoolay Wiilka Mobile-kaas,waxaana lagu soo oogay in uu Alshabaab kula xiriirayey.

Danbi baarista oo markale baartay arinka Mobile-ka,ayaa xaqiijisay in uusan jirin Kiiskan oo uu yahay been abuur Wiilka danbi loogu abaabulayo.

Kadib Talyaha Booliska Puntland,ayaa xilkii ka cayrshay Talyihii Saldhiga Qaasaali ee isku dayay in uu Wiilka shirqoolo.

Qaasaali oo aan la xiriiray,waxuu Afkiisa iiga qiray in Talyaha Booliska Bari uu abaabulay arinka Mobile-ka markii danbi loo waayay Wiilka.

Ugu danbayn Talyaha Qaybta Booliska Bari,waxuu ku xiray sii daynta Wiilka Mahad Lacag dhan 1000-dolar.

Jibril Qoobey.