Hot Topics

Ruushka oo farriin kama dambays ah u diray ciidamada Ukrain Ee ka dagaalamaya Mariupol

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa siisay digniin kama dambays dagaalyahanada Ukraine, kuwaas oo ku sugan dhismo warshadeed ku yaalla magaalada dekedda ee Mariupol, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Ciidanka qalabka sida ee Ruushka, oo ku socda kaliya mabaadi’da bini’aadantinimada, waxay mar kale soo jeedinayaan in dagaalyahannada guutooyinka qaranka Ukraine iyo calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ay joojiyaan hawlahooda millatari laga bilaabo saacadda marka ay tahay 1400 wakhtiga Moscow 20-ka Abriil ayna dhigaan hubka,” ayay tiri Wasaaradda Difaaca Ruushka.

Ma jiro hal askari oo ka tirsan ciidamada Ukraine oo aqbalay dalabkaas, sida ay wasaaradda ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Dagaalyahano uu Ruushku taageero ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayayaan in ay xoog ku galaan Biraha Azovstal ee Mariupol halkaas oo la sheegay in ay ku sugan yihiin ciidamada Ukraine iyo dad rayid ah.