Hot Topics

Maxaa Cabdiraxmaan Gablax looga soo celiyay Sacuudiga?

Waa waxii looga digayay Gablax oo ahayd war ka fogow Fahad Yaasiin waxa Maanta ku dhacay.

Sacuudiga,ayaa laga soo celiyay,isagoo Cimro usocda Gablax.

Ma’ahan wax caadiya adigoo ku safraya sharci saxa oo wata Visa Sharciya in Dad badan oo aad isku mid ahaydeen kaligaa lagaa reebto.

Sidaanoo kale Fahad ma geli karo Sacuudiga.

Dhawr jeer ayay si gaar ah Qol uwada fariisteen Fahad iyo Gablax oo ay dhexmartay shaqo ku aadanayd Puntland,waxaana loosoo dhiibay Lacago.

Sida xoguhu sheegayaan Dadka sida gaarka ah cilaaqaad udhexmaray Fahad waa calaamadsan yihiin,waxaana dhici karta haduu Qofkaasi yahay qurba joog in ay saamayso cunaqabataynta socdaalka iyo dhaqaalaha ee lasoo wado.

Fahad,waxuu ku jiraa 50-ka Qof ee ugu sareeya cunaqabataynta Maraykanka.

Gablax waa Nin degan Maraykanka ku leh Home Care hadana la macmilay mid ka mid ah jaajuusiinta Qarnigan ugu khatarsan.

Jibril Qoobey.