Hot Topics

Sidee laga yeelayaa Xildhibaanada Gedo Ee labada Garab?

Shaqada ugu horreysa ee hor taalla Gudoomiyaha cusub waxay ay tahay sida laga yeeli doono Xildhibaanada Gobolka Gedo ee lagu soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq.

Doorashada,ayaa qaadatay wakhti aad u dheer, kadib markii saacado ay u xayirneyd arrinta xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq oo xildhibaano taageersan Villa Somalia ay diideen inay kulanka ka qeyb-galaan, waxayna qarka u saartay in ay baaqato doorashadii lagu doortay Madoobe.

Ugu dambeyn waxaa arrintaa lagu xaliyay in codeynta laga reebo 16-ka Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq ayada oo sababta lagu sheegay inaysan haysan kaararka aqoonsiga.

Aadan Madoobe horey,ayuu usoo noqday afhayeenka baarlamanka muddadii u dhaxeysay 31-ka Janaayo 2007 ilaa 25-ka May 2010.