Finland iyo Sweden oo ku biiraya Gaashaanbuurta Nato

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa maanta sheegay in NATO ay diyaar u tahay inay si degdeg ah u soo dhaweyso Finland iyo Sweden, haddii ay go’aansadaan inay codsadaan xubinimada.

Ruushka – oo xuduud dhan 1,340km (830 mayl) la wadaaga Finland – ayaa hore u sheegay inay ku qasbanaan doonaan inay “isku dheelitiraan xaaladda” ama talaabo ay kaqaadi doonaan Findland hadii ay ku biirto NATO.

Madaxa NATO ayaa saxaafada u sheegay inuu qorsheynayo in uu gelinka dambe ee maanta la hadlo madaxweynaha Finland Sauli Niinisto.