Hot Topics

Axmed Madoobe oo ku riixaya Deni qaadashada jagada Ra’isalwasaaraha

Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa ku riixaya Madaxweyne Deni in uu qaato jagada ra’isalwasaaraha Fadaraalka.

Deni weli si buuxda uma go’aansan ugamana dalban si waadixa Madaxweyne Xasan in uu umagacaabo booskaas.

Axmed Madoobe sababta uu Deni uriixayo waa dhawr Qodob oo kala ah…

1.In Deni uusan khatar ku ahayn dib udoorashadiisa soo socota ama uu dhisayaba mar Sadexaad.

2.In Qof kasoo jeeda Beesha Ogaadeen aan loo magacaabin jagadaas si uusan culays isaga ugu noqon dib isku sharixidiisa danbe ama uusanba ula dagaalamin ama uusan masraxa usoo fuulin Nin ka maqaam sareeya oo Beesha ah.

Madaxweyne Xasan kuma faraxsana in uu Deni ka dhigo ra’isalwasaare,isagoo ka duulaya labadooda dabeecadood oo aan is qaadan karin,waxaana jira walwal ay durba muujinayaan Dadka ka agdhow Xasan Shiikh.

Hadiise uu aqbalo Madaxweyne Xasan magacaabista Deni,waxaa caqabad ku noqon kara hal mid oo ah..

B.Ansixinta Baarlamaanka oo la sadaalinayo in uu kala kulmayo caqabad inkastoo Deni lagu tuhmayo dhaqaale uu isku meel mariyo.

Haldoor door ah oo kasoo jeeda Puntland,ayaa qaba in uusan Deni qaadan ra’isalwasaaraha oo uu dib ugu laabto Garowe.

Haldoorkaas waxay ku doodayaan in Puntland dayacan tahay Karaashna uusan ku filnayn hogaaminteeda Deni looga baahan yahay in uu dhamaystiro mudo xileedkiisa gaarsiiyana doorasho ay ku hesho hogaan ku filan.

Jibril Qoobey.