Hot Topics

Ciidamada Gor-gor oo fariisimo cusub ka qabsaday Alshabaab

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska GorGor ayaa maanta la-wareegey fariisimo cusub oo ay Argagaxisadda al Shabaabka ka go’doomin jireen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga.

Deegaanada howlgalada qorsheyshan Ciidamada ka sameeyeen waxaa ka mid ah. Labi ceebad, Bacaha, Beergadiid, Xodale, Xajiin farayar, laasaban iyo Coomaad deegaanadaas oo dhamaantood u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee GorGor Dhamme Jamaal Cilmi Aadan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Maleeshiyaadka Al Shabaab isaga career Tuulooyinka Ciidanku Howlgalada kasameyeen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay Howlgalkoodu uu yahay mid sii socon doona illaa Argagaxisadda ka saaraan meelaha ay ku dhuumaaleystaaan ee gobolka Hiiraan.