Xaafiiska Madaxweynaha Fadaraalka oo wal-wal ka muujinaya hanka Deni ee Ra’isalwasaaraha

Wal-walka ugu weyn ee ka jira Xaafiiska Madaxweynaha Fadaraalka,waa in dalab uga yimaado Madaxweyne Deni uu ku codsanayo in loo magacaabo jagadaas.

Saraakiisha aadka ugu dhow Madaxweynaha Fadaraalka waxay qabaan in Deni lagu qanciyo in uusan soo raadsan booskaas,Laba sababood awgood…

1.Haduu soo doonto oo loo diido waa khilaaf cusub iyo xasarad aan loo baahnayn.

2.Hadii laga aqbalo codsigiisa oo loo magacaabo waxay keeni doonta ugu danbayn in laysku dhaco oo xaaladu gaarto Mooshin in laysku abaabulo aan loo baahnayn.

Haldoorka Somaliyed intiisa badan waxay qabaan in Deni uusan raadsan jagafaas ee taa badalkeeda uu keeno Qofka noqonaya ra’isalwasaaraha.