Hot Topics

Hogaamiyaha Iran”Cadowga Iran xisaab khaldan ayay isku dhufsadeen”

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Sayid Ali Hosseini Khamenei ayaa maanta sheegay in cadawga Iraan ay wadaan kacdoono ay ku doonayaan inay xukunka kaga tuuraan dowladda Islaamiga ah.

“Maanta, rajada ugu muhiimsan ee cadawgu ka qabaan in ay dharbaaxo ku dhuftaan dalka Iraan waxay ku salaysan tahay hurinta mudaaharaadyada … Laakiin xisaabta cadawgu way ka khaldantahay sidii kuwii hore oo kale,” ayuu Khamenei ku yidhi khudbad uu telefishanka ka jeediyay.

Arrintan,ayaa ku soo beegantay,iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israa’iil, sidoo kalena ay taagan tahay xiisadda ku xeeran heshiiska Iran.