Hot Topics

Ciidamadii Ruushka oo kasoo istaagay dagaalka Ukrain

Ciidamada Ruushka qaarkood ayaa diidaya inay ku laabtaan oo ay ka dagaallamaan Ukraine sababo la xiriira wixii ay kala soo kulmeen furinta hore ee dagaalka billowgii hore ee duullaanka, sida laga soo xigtay qareennada xuquuqda aadanaha ee Ruushka. BBC-da ayaa la hadashay mid ka mid ah ciidamadaas.

“Ma doonayo inaan dib ugu laabto Ukraine si aan wax u dilo ama la ii dilo,” ayuu yiri Sergey – ma aha magaciisa saxda ah – oo shan toddobaad joogay dagaalka Ukraine horraantii hore ee sanadkan.

Hadda wuxuu joogaa Ruushka, isagoo la siiyay talo ku aaddan inuusan dib ugu laaban furinta hore. Sergey waa uun mid ka mid ah boqollaal ciidamada Ruushka ka tirsan oo la rumeysan yahay inay doonayaan talo noocaas oo kale ah.

Sergey ayaa sheegay inuu tiiraanyo kala kulmay wixii uu kala soo kulmay Ukraine.