BANGALADHESH:-Dad badan oo ku Geeriyooday Dab ka kacay Xarun…

Saraakiisha dowladda Bangladesh ayaa Axadda maanta ah sheegay in ugu yaraan 49 qof ay dhinteen halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu dab ka kacay xarun lagu kaydiyo koonteenarada la dhoofinayo, taas oo sababtay qarax aad u weyn. Konteenada dabku qabsaday ee qarxay waxaa ku jiray, qaar ay ka buuxaan kiimikooyin, waana kuwa khasaaraha ugu badan geystay.

Saraakiisha dalka Bangladesh ayaa sheegaya in tirada dhaawacu ay gaadhayso illaa 300 oo qof oo qaarkood ay xaaladoodu aad u daran tahay. Kooxo mutadawiciin ah oo ku hawlan gurmadka goobta dabku ka kacay ayaa sheegaya inay weli jiraan meydad ku jira xarunta gubatay, taas oo keeni karta in tirada dhimashadu ay intan ka badato.

Dabka ayaa gelinkii danbe ee Sabtidii ka bilawday xarunta lagu keydiyo konteenarada oo ku taalla magaalada Sitakunda oo ay yaallaan ilaa 4,000 oo koonteer oo intooda badan ay ka buuxaan dhar loo waday dukaamada dharka ee dalalka reer galbeedka. Xarunta ayaa ilaa 40 kilometres u jirta magaalada dekedda leh ee Chittagong ee ku taalla dhinaca koonfureed ee dalkaas.