Hot Topics

Muuse Biixi oo magacaabay Gudi Doorasho cusub

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u gudbiyey golaha wakiillada, xubnaha guddida doorashooyinka ee Somaliland oo ay soo kala magcaabeen xisbiyada mucaaradka ah, Golaha Guurtida iyo madaxweynaha. Sida uu dhigayo sharciga doorashooyinka ee Somaliland, madaxweynaha ayaa soo magcaaba 3 xubnood oo ka mida toddobada xubnood ee guddida doorashada, golaha Guurtida ayaa isna soo magcaaba laba xubnood, halka labada xisbi mucaarad ay soo kala magcaabaan min xubin.

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay ‘in magcaabista guddidan doorashadu ay daba socoto dhaqaajinta iyo hirgelinta arrimaha doorashooyinka’.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay hore isu casileen guddidii hore ee doorashooyinku, inkasta oo xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ay ku eedeeyeen xukuumadda inay ku cadaadisay xubnaha guddida doorashadu inay iscasilaan.

Sidoo kale dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay Somaliland ka jirto xiisad siyaasadeed u dhexeysa mucaaradka iyo xukuumadda oo salka ku haysa arrimaha doorashooyinka oo la isku maandhaafsan yahay, taas oo haatan ay waanwaan ka dhex wadaan ergo is xilqaantay oo dedaal ugu jira inay labada dhinac isu soo dhoweeyaan.

Sida sharcigu dhigayo, golaha wakiillada ayay tahay inay ansixiyaan guddida doorashada, markaas ka dib ayay tahay maxkamadda sare ay dhaariso, si ay shaqadooda si rasmi ah ula wareegaan.

Halkan hoose ka akhriso magacyada guddida doorashada ee loo gudbiyey golaha wakiillada iyo meelaha ay ka kala yimaadeen.

  1. Muuse Xasan Yuusuf Madaxweynaha.
  2. Axmed Cismaan Xasan Madaxweynaha.
  3. Xuseen Cabdi Cali Madaxweynaha.
  4. Axmed Yuusuf Maxamed Golaha Guurtida.
  5. Faadumo Ismaaciil Cabdi Golaha Guurtida.
  6. Cabdicasiis Xirsi Warsame Xisbiga WADDANI.
  7. Ibraahim Aadan Cali Xisbiga UCID.