Hot Topics

Kenya oo Dad badan lacago looga dhacay si xirfadaysan

Aniga waxaan wataa baabuur Feraari ah idinkana ma awoodaan in aad iibsataan wax aad cuntaan” ayay aheyd fariintii ugu danmbeysay ee uu soo qoray aasaasaha shirkad cryptocurrency ah kaddib markii uu dad badan oo Kenyan ah ka khiyaameeyay in kabadan 1 bilyan oo ah lacagta Kenya.

Fariintan ayuu soo dhigay Qolka Telegram ah oo ninkan la sheegay in uu lacagta dhacay u furay dadkan uu hadda dhacay si ay ugu kala war helaan.

Dab badan oo isticmaalaya shirkadda Bitstream Circle, oo ah qorshe ponzi ah oo ay nashqadeeyeen nin Kenyan ah iyo nin u dhashay dalka Shiinaha, ayay dad ku dareemen culeys mar kasta oo ay rabaan inay lacagtooda kala baxaan.

Shirkadda, oo ballan qaadday inay qofka u soo celin doonto faa’iido maalinle ah oo ah shan ilaa 10 boqolkiiba ee qaddarka la geliyey, ayaa markii ugu horeysay internetka kasoo muuqatay Diisambar 7, 2021.

Shirkadda ayaa si lama filaan ah looga waayay intarneedka, Shabakadeeda iyo App-keeda mobilada lama heli karin iyo sidoo kale boggeeda Telegram-ka.

Dad ku nool waddamo badan ayaa sidan oo kale lacago badan ku waayay.