Hot Topics

Nabadoon Cabdiqani oo Maanta lagu Aasay Gaalkacyo

Guddoomiye kuxigenka 1aad ee Gobolka Mudug Xasan Cabdulaahi Warsame iyo Guddoomiye Ku xigenka 2aad Maxamed Xasan Waloore ayaa Maantay ka qeyb galay Aas Qaran Oo loo sameeyey Marxuum Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore oo xalay xili uu ka soo baxay salaadii Cishaha lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Allaha Unaxariistee Nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore ayaa kamid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug, isaga oo inta badan aad uga shaqayn jiray Arimaha Caawinta Bulshada Tabaalaysan, Nabada iyo isdhexgalka Bulshada.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galey masuuliyeen ka tirsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiyayaasha Maxkamadaha, Culima’udiinka, Odayasha dhaqanka, Dhalinyarada, Ehelada marxuumka iyadoona lagu Aasay Qabuura ku yaala duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiinta Kasoo qeyb galey aaska ayaa sheegay in nabadoonku uu ahaa odey soomaaliyeed oo dadaal badan ku bixiyay nabadeynta bulshada Gaalkacyo waxeyna alle uga baryeen inuu Naxariistiisa uu siiyay, qabriga uwaasiciyo, kitaabkiisana midigta ka siiyo Marxuumka.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG