Dowlada Itoobiya oo Gudi usaartay wada xaajoodka Tigreega

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday guddi wadahadal nabadeed la yeelan doono hoggaamiyayaasha jabhaddaTigreega si xal loogu helo dagaalka sokeeye ee 19 bilood ka socda waqooyiga dalkaasi.

Toddobada xubnood ee guddiga waxaa guddoomiye u ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ahna wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonen, halka xubnaha ay ku jiraan taliyaha sirdoonka iyo la taliyaha amniga ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

War qoraal ah oo uu soo saaray Isniintii Wasiirka Cadaaladda Gediwon Timothios, oo sidoo kale xubin ka ah guddiga, ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo ee talada haya uu dhigay habraacyo lagu raadinayo xal nabadeed oo laga gaaro colaadda gobolkee Tigree.

Dhanka hogaanka TPLF ilaa iyo imika ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan guddigan wadahadalada ee ay dowladda magacawday.

TPLF waxay horey u sheegeen in ay diyaar u yihiin wadaxaajood ay la galaan dowladda rai’sul wasaare Abiy Axmed.

Balse xoogagga TPLF ayaa soo jeediyay in wadaxaajoodyada ay gar-wadeen ka noqoto dowladda Kenya ,iyaga oo ku dhaliilay ururka Midowga Afrika in aanay waxba badan ka qaban dhibaatada taagan.

Waxay sidoo kale TPLF codsadeen in wadaxaajoodyada ay goob joog ka ahaadaan Qaramada Midoobey, Mareykanka iyo dalka Imaaraadka.