Hot Topics

Qarax lagu dilay Xaashi Cumar oo qarka usaarnaa in uu Magdhow ka helo Talyaaniga

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay degmada Dharkaynlay duhurkii maanta uu ku geeriyooday Xaashi Cumar Xasan oo horey muddo ka badan 16 sano ugu soo xirnaa dalka Talyaaniga.

Qaraxan ayaa ilo wareedyo sababo ammaan u diiday in magacooda la sheegao waxay VOA u sheegeen inuu ka dhashay aalad qaraxda oo lagu xiray baabuurka. Ilaa hadda booliiska Soomaaliya ayaan rasmi ahaan uga hadlin qaraxa.

Xaashi Cumar ayaa horey loogu helay dilka laba saxafi oo u dhashay Talyanaiga oo lagu kala magacaabo Ilaria Alpi iyo Miran Hrovatin oo sannadkii 1994-kii lagu dilay Muqdisho.

Xukunka ku dhacay Xaashi Cumar ayaa maxkamaddu ka laabatay sannadkii 2016-kii kadib markii caddaymo cusub la helay.

Dhinaca kale qarax ka dhacay degmada Afgooye ayaa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta ee degmadaas.

Sarkaalka ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Axmed Madoobe waxaanu ahaa taliyaha rugta tadaamun ee ciidanka Daraawiishta.