Hot Topics

Video:-Baarlamaanka Puntland Oo su’aalo waydiiyay W.Xanaanada Xoolaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 17-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Dawladda Puntland Mudane, Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe) oo ay wehliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Maxjarka Cabdirisaaq Maxamed Xasan.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada,ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Xannaanadda Xoolaha iyo Maxjarada Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka