Hot Topics

Madaxweyne Xasan oo muuqda in uusan waxba ka baran 5-tii sano?

Waxaa muuqata in Madaxweyne Xasan Shiikh ku deg degayo arrimaha Amniga qorshe la’aan iyo xukuumaddii oo aan la dhisin.

Wadatashi la’aanta,ayaa ka mid ah sababihii Dowladiisii mudo xileedkii hore ay u dhumisay Labadii sano ee ugu horeysay.

Waa in wadatashi laga yeesho qorshaha Amniga Dalka sida…

  1. La dagaalanka Alshabaab
  2. Dhismaha Ciidanka Qaranka
  3. Ciidamada Eritrea laga keenayo

Madaxweyne Xassan weli wuxuu u muuqdaa keligii duul aan wax ka baran shantii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa haboon in howlaha Amniga loo daayo xukuumadda oo ah hay’adda fulinta iyo in wada tashi buuxa lagala yeesho Dowladaga Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Jibril Qoobey.