Hot Topics

Madaxweynayaasha Somaliya iyo Eretereya oo isfahan kala saxiixday

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa dhigiisa Eritrea la saxiixday Is afgarad Labo Geesood ah oo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqaalaha, Iskaashiga bulshada, dhaqanka, deegaanka, Difaaca iyo amniga. Sida uu baahiyay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel.

1- Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.

2- Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.

3-Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.

5- Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.

6- Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.

7- In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.

Halkan ka akhriso:-