Hot Topics

Dayax-gacmeedkii Shiinaha oo burburay

Haraaga burburka Dayax-gacmeed uu leeyahay dalka Shiinaha ayaa ku soo dhacay dhulka, gaar ahaan qeybo katirsan baddaha Hindiya iyo Baasifigga, sida ay sheegeen saraakiil ka kala tirsan Mareykanka iyo Shiinaha.

Wakaaladda Hawada Sare ee dalka Shiinaha ayaa sheegtay in inta badan haraagii Dayax-gacmeed la yiraahdo Long March 5 ay ku gubteen hawada sare, waxa ayna sheegtay in Badda Sulu ee ku taal badweynta Pacific-ga ay tahay halka u uku soo dhacay.

Dayax-gacmeedkaasi soo dhacaya uu halis yar u keeni karo qof kasta oo dhulka jooga, inkastoo ay u badan tahay in uu ku dhici doono badda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa jirta suurtogalnimada in qaybo ka mid ah gantaalku uu dulka ku dhaco welib meel ay dadku ku badan yihiin, sidii horeyba u dhacday bishii Maajo sanadkii 2020, markaas oo ay waxyeello soo gaartay dhismooyin ku yaallay Ivory Coast.

Dayax-gacmeedkaasi ayaa in muddo ah hadda ku wareegayay aagga la yirahdo elliptical ee dhulka ku wareegsan, halkaas oo ay adag tahay in la xakameeyo.

Meelaha suurtagalka ah ee burburka gantaalka ku dhici karo waxaa ka mid ah Mareykanka, Afrika, Australia, Brazil, Hindiya iyo Koonfur-bari Aasiya, sida ku cad saadaasha shirkadda.

Talaadadii, wakaaladda wararka ee Shiinaha ayaa ku eedeysay warbaahinta reer galbeedka oo uu hoggaaminayo Mareykanka inay faafinayaan dacaayado ka dhanka Gantaalka Long March5.