Hot Topics

Sidee u arkaan Madaxda Gobolka guusha Madaxweyne Ruto?

Abiy si weyn,ayuu usoo dhaweeyay guusha Ruto oo uu arko Nin dhex-dhexaad ah oo ugu yaraan meel dhexe wax ku haynaya.

Sanadihii udanbeeyay Abiy iyo Uhuru iskuma wacnayn oo waxaa lagu xamanayay Uhuru dhanka Tigreega.

Guusha Ruto,waxaa kaloo ku farxay Madaxweyne Musefeni oo ka wal wal qabay Odinga.

Musefeni,waxuu u arkaa Rutu Nin uu Siyaasada ugu noqon karo Oday Goboleed.

Sidoo kale Madaxweynaha S.Sudan,ayaa si diiran usoo dhaweeyay guusha doorasho ee uu gaaray Ruto.

Ruto,waxaa lagu tilmaamaa Nin aad ugu mashquula arimaha gudaha Kenya,isla markaana aan faragalin arimaha gudaha ee Dowladaha dariska ah.

Balse waaqiciga siyaasiga ee Bariga iyo Geeska ka jira ma’ahan kuwo lagu maarayn karo siyaasadaas laga fili karo Ruto.

Jibril Qoobey.