Hot Topics

Farmaajo oo ka faa’idaysanaya dayaca Siyaasi Ee Xasan Sh.

Siyaasadu waa fursad aan la dayicin haday kusoo marto laysmana siiyo fursadaheeda.

Mudo xileedkii hore Madaxweyne Xasan Sh waxuu bixiyay fursado qiimo macno leh ulahaa ragii la tartamayay ee Farmaajo ka mid ka ahaa.

Balse Farmaajo mudo xileedkiidii ma bixin hal fursad siyaasadeed oo ay ka faa’idaysan kari lahaayeen mucaaradkiisii.

Waxuu Gurigiisa ku weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ilaaladiisii ku duugay Kabaha.

Waxuu Hawada ka xirtay oo udiiday duulimaad Labadii Madaxweyne ee kaga horeeyay talada oo mid ka mid ah uu yahay gardaadiyihiisii Siyaasada.

Waxuu Hotelkii uu deganaa ku weeraray oo Hoygiisii go’doomiyay Madaxweynaha hada talada haya ee Xasan Sh.

Waxuu banaanbax nabadeed awood uga hor istaagay Musharaxiintii Madaxweyne oo uu ku jiro ra’isalwasaarihii lasoo shaqaynayay Sadex Sano iyo bar ka mid ah mudo xileedkiisii.

Haatan In Farmaajo fadhiyo Xamar oo uu helo fursado Siyaasadeed waa danbi Siyaasi ah.

Waa lama huraan kufsi Siyaasadeed deg-deg ah oo lagu sameeyo Farmaajaha kaga hormaray Hanbalyada Madaxweynihii talada hayay.

Jibril Qoobey.