Hot Topics

Ciidamada Dowlada oo weli ku guulaysan la’a soo afjarida hawlgalkii Hotel Xayaat

26 saacadood oo xiriir ah,waxaa ku dagaalamaya Hotel Xayat Muqdisho Ciidanka amniga Muqdisho iyo Maleeshiyada argagixisada Al-shabaab oo habeen hore galay hotelka.

Ciidanka dowladda,ayaa ku guuleysan la’ ilaa iyo hada in ay soo afjaraan hawlgalka,waxaana gudaha hotelka laga dhex maqlayaa qaraxyo iyo rasaas xoogan.

Inta badan Dadkii ku go’doonsanaa gudaha Hotelka,ayaa laga soo badbaadiyay.

20-Qof,ayaa ku geeriyooday weerarka,waxaana ku dhaawacmay 30-kale.

Hawlgalka lagu sifaynayo Hotel Xayat,ayaa noqonaya midkii ugu wakhtiga dheeraa ee Alshabaab lala galo.