Hot Topics

Faysal Cali Waraabe oo aqbalay mudo kordhinta Muuse Biixi

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbigiisa uu oggol yahay muddo kordhin farsamo ah loo sameeyo Muuse Biixi.

Faysal,ayaa dhanka kale soo dhaweeyay talooyin ay Khamiistii soo jeediyeen Guddi ka kooban ganacsatada Somaliland,kuwaasoo soo jeediyay in doorashada madaxtooyada iyo tan Ururada ay mar qura wada dhacaan.

“Farsamo ahaan way yara durkaysaa doorashada sidii 2009-kii, laakiin waxaanu jecelnahay in aanay Lix bilood ka badan,Beesha caalamku waxay nagu tiri Afar ilaa Lix bilood wixii ka badan sumcad xumo ayay idiin soo jiidaysaa,Marka farsamo ahaan waan oggol nahay wixii durkin ah”Ayuu yiri Faysal.