Wararkii ugu danbeeyay dagaal Beeleedka Caabudwaaq

Warrarka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya,ayaa sheegay in ugu yaraan Shan Qof lagu dilay dagaal labo Maleeshiyo Beeleed maanta ku dhexmaray deegaanno hoostaga Tuulada Labagalle oo hoos tagta Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Dagaal Beeleedkan cusub,ayaa salka ku haya muranno la xiriira Baraaggo Deegaanka laga qodayay oo lagu murmay.

Dadka dagaalka ku dhaawacmay oo Toban kor u dhaafaya, ayaa loo kala qaaday isbitaallo ku kala yaala Degmooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.