Hot Topics

Alshabaab oo Biyihii iyo isgaarsiintii ka jaray qaybo ka mid ah Gobolka Galgaduud

Maleeshiyada Al-shabaab,ayaa xalay qarxisay Matooro Ceelal Biyood,Baraago iyo xarumaha isgaartiinta Magaalooyinka Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud.

Ma jiro khasaare Nafeed oo ka dhashay weerarka ay Maleeshiyada Al-shabaab xalay kusoo qaadeen Magaalooyinkaas.

17-kii bishii June ayay aheyd markii Degmada Baxdo Maleeshiyada Al-shabaab looga dilay ugu yaraan 100-Maleeshiyadooda ka mid ah,kaddib markii Dadka Deegaanka iyo Ciidamada Galmudug oo is garabsanayaa ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaadday.