Hot Topics

Muxuu ka badali karaa Shidaalka Iran suuqyada caalamka?

Iran waxay suuqyada soo gelin doontaa Shidaal gaaraya Hal Milyan oo Fuusto ay soo galin doonto Suuqyada caalamka, haddii is-afgarad laga gaaro wadahadalka ay kula jirto wadamada Galbeedka.

Iran ayaa la filayaa inay suuqa soo geliso illaa $1 Million oo foosto maalintii, ama 1% oo ka mida baahida shidaalka ee dunida, haddii laga qaado cunaqabataynta saaran.

Markii uu soo baxay warka sheegaya wada hadalka Iran iyo reer Galbeedka,waxaa hoos udhacay qiimaha Shidaalka caalamka.

Bishii June qiimaha Shidaalka,waxuu gaarayay 120-dolar halka uu hada hoos ugu dhacay 95- dolar.

Dalalka soo saara Shidaalka iyo xulufada Ruushka,ayaa ku heshiiyay in ay dhimaan wax soo saarka Shidaalka maalinkii 100-kun oo Fuusto.

Falanqeeyayaasha,ayaa sheegaya, in dalalka soo saara shidaalka ay dhimista wax soo saarka u samaynayaan,si ay u xakameeyaan qiimaha shidaalka.

Dhanka kale Tallaabadan,ayaa loo arkaa in ay tahay fariin uu Sucuudigu u dirayo Maraykanka oo ku saabsan soo noolaynta heshiiska Hubka Nukliyeerka ee Iran.