Alshabaab ma waxay heshay Diyaaradaha Drons-ka?

Al-Shabaab,ayaa loo maleynayaa inay adeegsanayno teknoolajiyad casri ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu fududeeyaan fulinta weerarrada, sida uu sheegay La-taliyaha sare ee Arrimaha Gaarka ah ee Siyaasadda ee Ergada Mareykanka ee Qarmaada Midoobey, Danjire Jeffrey DeLaurentis.

Danjiraha ayaa xusay in weerarrada marka laga yimaado uu agabkaas ka caawiyo kooxaha argagixisada ah soo ururinta xogta sirta ah iyo dhinaca dacaayadda.

Hadalka ayuu mas’uulkaas ka jeediyay kulanka Arria oo looga arrinsanayay halista joogtada ah ee falalka argagixisannimo ee xudduudaha isaga gudba, waxaana isagoo qoraal ah lagu daabacay bogga safaaradda Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

Kulankaas wuxuu ahaa mid aan caadi ahayn oo uu yeeshay guddi ka mid ah Golaha Ammaanka.

Qoraalka laguma sheegin goorta ay Al-Shabaab billowday adeegsiga Qalabkan iyo sida ay ku heshay.

Kooxo ay ka mid yihiin ururka la magacbaxay ‘Dowladda Islaamka’ ayaa la rumeysan yahay inay horey u adeegsadeen diyaaradaha drones-ka si ay u fuliyaan weerarro, sida laga soo xigtay warbixin ay faafiyeen Milatariga Mareykanka.

Kooxda,ayaa diyaaradaha drones u adeegsatay weerarro ay ka fulisay Siiriya, Ciraaq iyo meelo kale.