Hot Topics

Burhaan Dio Mio oo difaacay nidaamka Dimuqraadiyaynta Puntland

Burhaan Dio Mio ,ayaa difaacay nidaamka Dimuqraadiyaynta Puntland.

Siyaasi Burhaan,waxuu sheegay in aan dib looga laaban karin meesha hada la gaaray.

Taageeridiisa,waxuu ku saleeyay dhawr arimood oo kala ahaa….

1.Habka Qabaliga oo ah mid aad udhibadan.
2.Guusha la gaaray oo aan la lumin karin.
3.Rabitaanka Bulshada oo aan la dayici karin.
4.Doorka Curadnimo ee PL oo ilaalin ubaahan.
5.Mustaqbalka Dowladnimo Puntland.

Hadalka Burhaan Dio Mio,waxuu jawaab dadban unoqday doodii Madaxweyne Faroole uu ku diidanaa sii socoshada Dimuqraadiyada.

Sidoo kale Burhaan,waxuu qiray in ay jiraan khaladaad ubaahan sixid oo Dowlada dhankeeda ah ayna tahay in Madaxweynuhu Dadka la hadlo una sheego halka loo socdo.

“Dimuqraadiyada Gobolka Geeska Afrika,ayaaba iska dhibadan oo wada Qodxo ah markaad eegtid midii hada ugu danbaysay Kenya ee yaanan lumin fursadan wax iska fudud majiraan”Ayuu yiri Burhaan.

Jibril Qoobey.